Banaanbax

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aadan ayaa hor kacaya Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka oo si wayn isugu diyaariyey ka qeyb qaadashada kacdoonka Shacabka ee ciribtirka kooxaha Khawaarijta.

Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa saaka xilli hore soo xaadirey xarunta Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka socotey qaban qaabada Shaqaalaha Wasaaradda ee ka qeyb qaadanayo Kacdoonka Bulshada Caasimadda ee ka dhanka ah Khawaarijta.

Bahda Caafimaadka Soomaaliya waxaa ka go'an heerkasta oo cadowga la isaga xureynayo in ay ka qeyb qaadato isla markaana ay heegan u tahay ka jawaabidda baahiyaha Caafimaad ee imaan kara xilli kasta gaar ahaan inta uu socdo halganka xureynta ee ka socda dhamaan Dalka.

Comments